Reysulwasaare Xamse oo dhowr cisho kadib maanta ka hadley qarixii kuliyada jaale siyaad

0
231

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ee lagu dilay askar badan oo ka tirsaneyd ciidanka guutada 14-ka Oktoobar.

Raysal wasaare Xamse ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehalada askartii ku geeriyootay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay gudaha xerada ciidanka Kuliyadda jaalle Siyaad oo ku taala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid laga xumaado, islamarkaana ahaa weerar fulaynimo.

“Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Intii dhimatay Allaha u naxariiriisto inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u boogo dhayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed falkaas waan uga tacsiyeyneynaa” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha ayaan hadlin talaabada ay Xukuumaddiisa ka qaadeyso shakiga ka dhashay weerarkan Ismiidaaminta ahaa ee geystay dhimashada in ka badan 20 ka mid ah ciidankii ku sugnaa gudaha xeradaas iyo dhawaaca in ka badan 50 kale.