Gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta xafiiskiisa kula kulmey ergeyga howlgalka midowga africa ee somaliya

0
178

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga howlgalka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Souef Mohammed El-Amnie.

Danjiraha oo marka hore ka tacsiyeeyay askartii ku shahiiday weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Shabaab shalay ka geystay kuliyaddda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad.

Danjire Souef Mohammed El-Amnie ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay shaqada ATMIS, halka ay mareyso iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta ah.

Sidoo kale kulanka waxaa danjiraha ku wehlinayay taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Gen. Sam.