In ka badan 60 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka Ceel-dhuun Agoow ee gobolka Baay.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, ayaa waxa uu qeyb ka yahay, sida ay dowladdu sheegtay, dadaaladii ugu dambeeyay ee lagula dagaalamayo Shabaabka ku sugan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasaaradda Warfaafinta Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya howlgalka ayaa waxay sheegtay inay howlgalkan iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada qorsheysan ee dhawaan ka billowday deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu cirib tiro Al-Shabaab, isla markaana lagu soo celiyo nabadda iyo ammaanka deegaanada maamulkaasi.