Kulankii khamiislaha ee golaha wasiirada ayaa maanta looga hadley weerarkii kuliyada jaale siyaad

0
234

Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkooda todobaadlaha ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, howlgallada ka socda dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Shirkan ayaa waxaa maanta guddoomiyay Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali, maadaama ay dalka ka maqan yihiin ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo sidoo kale ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac.

Golaha ayaa shirkooda kusoo qaaday qarixii is-miidaaminta ahaa ee ay Isniintii lasoo dhaafay Al-Shabaab ku beegsatay ciidamo ku sugnaa Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

Ugu horreyn golaha ayaa cambaareeyay weerarkaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid fuleynimo ah oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa tacsi u diray ehellada askarta lagu laayay weerarkaasi, ayaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.