Ciidamo macawisleey ah oo lagu diyaariyey Degmada guuriceel si ay ula dagaalamaan alshaab

0
382

Waxaa duuleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay ciidamo Macawiisleey ah oo aad u farabadan, kuwaas oo la sheegay in loo diyaariyay ka qeyb galka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Ciidamadaan Macawiisleeyda ah ayaa tiradooda la sheegay iney tahay 1500 oo loo diyaariyay iney qeyb ka noqdaan dagaalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab oo lagu wado inuu dhawaan ka bilaawdo deegaanada maamulka Galmudug.

Ciidamadaan ayaa lagu soo bandhigay dugsiga tababarrada ciidamada Harqaboobe oo ku yaala duleedka degmada Guriceel, iyagoo aad u hubeysan waxaana goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay ciidankaan deegaanka ah masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Faarax Cabdi Macalin oo khudbad u jeediyey ciidanka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qaadanayaan masuuliyada ka saaran suurta galinta sidii ciidankaan ay uga howlgali lahayeen deegaanada la qorsheeyey in laga xureeyo kooxda Al-shabaab.