Maxaa kasoo kordhey askartii lagu xasuuqey kuliyada jaale siyaad

0
337

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii lala beegsaday xero ciidan oo ah Kuliyadda Jaalle Siyaad 23-kii bishan Julaayo.

Aadan Madoobe ayaa waxa uu dalbadey in lasoo bandhigo natiijadda baaritaanka weerarkaas kaasoo galaaftay nolosha 25 askari, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen.

Laakin sarkaalka labaad ayaa sheegay in marka laga soo tago askarta la beegsaday saldhiga ay ku sugnaayeen cutubyo kala duwan oo ay ku jiraan ciidamada dhulka iyo gaadiidka ciidamada xoogga dalka.

“Waxaa suurtagal ah in qofka is qarxiyay uu ka faa’ideystay aqoon la’aanta ka jirta askarta saldhigga,” ayuu yiri, isaga oo aanan s gaar ah u carabaabin xog dheeri ah.

Geesta kale, Aadan Madoobe ayaa sheegay in uu doonayo in jawaabo laga bixiyo sida ay ugu suuragashay in qofka is qarxiyay uu galo saldhig aad loo ilaaliyo.