Reysulwasaare xamsa oo ka qeyb galay kulan lagu xoojinayo wadashaqeynta maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga

0
244

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe shalay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan lagu xoojinayay wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ku nuux nuuxsaday in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siineyso amniga caasimadda Muqdisho. Waxa uu sheegay in kulanka ka dhacay degmada Heliwaa uu daliil u yahay kor u qaadista wacyiga iyo wada shaqeynta bulshada oo muddo dheer caqabad ku aheyd in la gaaro.

Degmada Heliwaa oo ku taalla Koonfur Bari ee Gobolka Banaadir ayaa muddo dheer waxaa soo food saartay amni darro tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, waxaana degmadaas lagu tilmaamaa meelaha ay weli ku xooggan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay saameynta wanaagsan ee wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo shacabka Muqdisho ay ku leedahay amniga magaalada.