Madaxweynaha maamulka puntland oo markii ugu horeysay sheegey inuusan dooneyn mudo kororsi

0
286

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay wuxuu shaaca ka qaaday in uusan diyaar u ahayn inuu muddo kororsi sameysto.

Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday in siddeeda January ee sanadka 2024 ay Puntland ka dhicidoonto doorashada axsaabta badan, isagoo sheegay inuu ogsoon yahay dhibaatada muddo kororsiga.

Deni wuxuu sheegay haddii laga guulaysto isaga iyo xisbigiisa in ay si nabad ah xilka u wareejin doonaan. Wuxuu caddeeyay in ka go’an tahay inuu ka dhabeeyo himilada reer Puntland ay ku tamaayaan ee ah in la gaaro nidaam dimuqraadiyadeed oo ay dadku si xor ah isku dooranayaan.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan wuxuu xalay ka sheegay xafladda sanad guurada 25-aad ee aas aaskii Puntland, isagoo ku baaqay ku baaqay in la isku diyaariyo tartanka axsaabta badan, wuxuuna hadalkiisa kusii daray in wax kaste oo dhacay la iska hilmaamo, loona diyaar garoobo doorasho.