Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka hadley gabadhii tartanka orodka ka gashey kaalinta ugu dambeysa

0
204

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka hadlay hadal heyn badan oo ka dhalatay saacadahii lasoo dhaafay gabar magaca Soomaaliya Ku mateshay tartanka orodka 100-ka Mitir ee ka dhacay dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradiisa aysan waxba kala socon qaabka lagu soo xulay gabadha iyo sida ay ugu suurta gashay iney ka qeyb gasho tartankaas, islamarkaana uu ka xun yahay sida ay wax u dhaceen.

“Wixii dhacay maahen mid munaasib ku aheyd ummadda Soomaaliyeed. Waan ka xumahay. Waan ka raalligelineynaa bushada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Dhakinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre.

Wasiirka Maxamed Barre ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu sameyn doono arintaan, isagoona xusay in gabadha aysan ku tartamin magaca qaranka oo ay ku tartaneysay magac jaamacadeed.