Agaasimihii madaxtooyada oo la sheegey inuu xilka iska casiley

0
289

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Agaasimihii Guud Madaxtooyada ee Villa Somalia Dr. Xuseen Sheikh Masamuud uu iska casilay xilkii Agaasime, isagoo warqad is casilaad u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Agaasime Xuseen oo saaxibo dhow ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh, doorweyna ku lahaa ololihiisa ayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabay 23 May 2022, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiska la wareegay.

Wararka ayaa sheegaya in is casilaadiisa ay tahay arrin shakhsi, iyadoo loo badinayo inuu isu soo sharxo madaxtimnimada Maamulka Goboleedka Koofur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa horey u wajahayey mucaarad xoog leh hadana hadii uu dr xuseenisna damco inuu isu soo sharaxo kursigan xaalka uu sii noqonayo mid aad ugu adag cabdicasiis iyada oo ay xusid mudan tahay in xiligan uu ka fikriayo sidii uu waqtiga u dheereysan lahaa.