Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhaweeyey magalada dhuusamareeb

0
279

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa magalada dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Agaasimaha NISA Mahad Salaad, masuuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo DF iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kadib soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug, halkaas oo kulamo ay uga bilowdeen.

Durbadiiba Madaxweynaha ayaa kulamo ka bilaabay Madaxtooyada Galmudug, wuxuuna kulankii ugu horeeyey la yeeshay Qoor Qoor, ku xigeenkiisa Cali Ciid, Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb sii joogi doona ugu yaraan 10-ka maalmood ee soo socda, sida ay qorsheysay madaxtooyada Soomaaliya.