Gudoomiyaha gobolka banaadir oo ka hadley dadka laga saarayo dhulalka danta guud

0
258

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay dhulal ay doonayaan inay dadka ka saaraan.

Waxaa dhulkaa ka mid ah Wershadda Isbuunyada wuxuu kaloo sheegay in Waaxda Duulista Rayidka ihi ay iyaduna doonayso in dadka laga saaro dad ay sheegeen “inay ammaanka diyaaradaha halis kula yihiin” oo deggan Garoonka Diyaaradaha Xamar, Waloow uusan sharrixin sababta ay hadda halis u noqdeen.

Waxaa kale oo uu sheegay inay wada hadleen dad uu ka mid yahay Xayle Bariise, Milkiilaha Wershadda Isbuunyada iyo Xildhibaan kasoo wacay Hargaysa oo aanu carrabaabin.

Wuxuu Madaale intaa raaciyey in dhulalka ay dadka ka saarayaan ay kaliya u adeegsadaan dan guud, waloow ay marar badan dhacdo in dhul dan guud ah inta dadka laga saaro dad loo cabiro.