Madaxweynaha oo kulan la qaatey odayaasha dhaqanka maamulka galmudug

0
217

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Xalay kulan gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxgaradka Galmudug kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee wali ka socda deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odayaasha ka dalbaday in shacabka reer Galmudug ay ku wacyi galiyaan sidii ay u garab istaagi lahayeen ciidamada Qalabka Sida ee ku howlan sidii ay dalka uga xureyn lahayeen Ururka Al-shabaab.

Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug ayaa dhankooda la sheegay iney u balan qaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh iney ku garab istaagayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Galmudug iyo guud ahaan dalka.