Somaliya iyo kenya oo kala saxiixdey heshiis dhinaca duulimaadyada

0
257

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo dhanka hawada ah, kaasi oo ujeedkiisu yahay in la kordhiyo tirada diyaaradaha ee isaga kala goosha labada dal.

Wasiirka gaadiidka dalka Kenya, Kipchumba Murkomen iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa ku heshiiyay in shirkadaha diyaaradaha ee labada dal ay duulimaadyo toos ah ku sameeyaan garoomada labada dalba.

Wasiirka Gaadiidka ee Soomaaliya Fardawso Cismaan Cigaal ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda twitterka waxa ay ku sheegtay in heshiiska ay la saxiixatay dhiggeeda Kenya uu u oggolaan doono shirkadaha diyaaradaha ee ka diiwaan gashan Soomaaliya in ay u duuli karaan Kenya.

Heshiisku wuxuu u ogolaanayaa shirkadaha diyaaradaha ee loo qoondeeyay inay duulimaad ku sameeyaan 7 jeer isbuucii duulimaadyada rakaabka sida ku cad jadwalka lagu heshiiyay.

Waxa kale oo la isku afgartay in Masuuliyiinta Duulista Hawada ee labada dal ay iska kaashadaan tayeynta wada shaqaynta labada dhinac ee duulimaadyada, tayaynta shaqaalaha iyo khibrad wadaagga.