Wasiirka diinta iyo awqaafta oo xalay jawaab ka bixiyey lacago la sheegey iney koontadiisa ku dhacdey

0
292

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay eedaha musuq ee loo jeediyay, kadib markii la sheegay inay akoonkiisa ay ku dhacday lacag dhan illaa $5 milyan oo dollar, taas oo si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada.

Roobow ayaa beeniyay in lacagtaas ay ku dhacday jeebkiisa, wuxuuna tilmaamay in uusan jirinba akoon uu shaqsiyan u leeyahay, sida uu ku dooday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hay’ado kala duwan, isla-markaana uu wasiir ama shaqsi uusan wuxuu rabo ka sameysan karin hantida dadweynaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in sannadkan ay dadaal badan geliyeen howlaha Xajka, isla-markaana ay soo hartay lacag dhan illaa 9 Milyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay inay ku dhici jirtay jeebka dad kale, taasina ay tahay waxa qaylada keenay.

Ugu dambeyn waxaa uu hoosta ka xariiqay inuu diyaar u yahay isla xisaabtan iyo xittaa in baaris lagu sameeyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.