Alshabab oo duqeymo loogu geystey deegaano ka tirsan gobolka shabelaha hose iyo gobolka bay

0
204

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu laayey Shabaab badan.

Howlgalka oo loo adeegsaday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ayaa la qaaday markii la helay xog ku saabsan in maleeshiyaad Shabaab ah oo si dhuumaalaysi ah isugu aruursanaya beero ku yaalla deegaanadaas.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in howlgalkaas lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida baahisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka.

Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la duqeeyey saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Buula-Fulaay oo hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Wasiirka amiga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir ayaa Idaacadda VOA u sheegay in duqeymahaas lagu burburiyay xarumihii kaydka u ahaa Al-Shabaab ee deegaanka Buula-fulaay.