Odayaasha Dhaqanka KG iyo Mamulka Lafta-Gareen oo kala guuray iyo isagii oo bilaaway inuu Magacabo Odayalka Mamulka Laftagareen.

0
368

Warar iso tarayo ayaa shegaya in Mamulka Lafta-Gareen uu ku wareeray siyaasada isla markaana iskaga qaldantay Dhaqanka iyo siyaasada. Mudooyinkan danbe Lafta-gareen ayaa ku amray Wasirada been ma sheegayasha ah in xilalka laga qaado Dhaqanka loona sameeyo dhaqan isaga uu warqad ku magacaabo isagoo isticmalaya sidii xilibanada doorasho loo qabto dhaqanka waa masiibo kusoo siyaaday dhaqanka Koonfur-galbeed.

Hadaba waa su’aal maxaa kaga gudboon siyasiyinta iyo dhaqanka iney arinkaa ka dhahaan.

Waxyaabaha kusoo siyaaday ayaa ah sidan ilaa iyo hada wuxu liska Lafta-gareen ka saaray dhowr iyo toban odaydhaqamed ay u danbeyeen Beesha Garwaale iyo Eemid hadana la maqlayo in uu damacsan yahay dhowr oday kale.

Hadaba Lafta gareen intii uu hayey talada maamulka koonfur galbeed imisa dhaacac ayuu u geystey shacabka koonfur galbeed.

  1. Siyaasiyiintii Rugcadaaga ahaa KG amam D&M oo laga ceyr saday KG
  2. In Gobalka Bakool dhamaan tiisa lumay rajo badana laheyn haduu sii jiro mamulka Lafta-Gareen
  3. Gobalka Shabelaha Hoose oo laga wado inuu ku biro Gobalka Banaadir mudoyinkana socdo shirar joogta ah Biyamaal iyo Hawiye oo hishiyay iyo Digi loo lagu wado kasbeen iyo in latuso ceebaha Mamulka Lafta-Gareen.
  4. Ariimaha Baraawe oo meel cakiran maraya
  5. Ariirmaha Wanlaweyn uu san kahadlin Lafta-Gareen
  6. Mamulkii Laftagareen oo ka badan waayay Beeshiisa.
  7. Dhaqaalihii KG oo dhan iyo shaqoyinkii,shaqaalihii ay soo dhaafi waayeen Laftagareen iyo beeshiisa.

Intaa iyo in kabadan ayaa taagan waxaase la yaab ah in weli uu ku riyoonayo in uu rabo inuu sii maamulo KG waa cajiib hadaba maxaa laga qaban karaa.

Hadaba sida muuqata dayaca intiisa badan waxaa uu ka taagan yahay odayaasha dhaqanka oo siyaasada koonfur galbeed ka noqde kar markii dan laga leeyahay keliya la isticmaalo inta kalana la iska tuuro koodii is waalana xilka laga qaado sidii ay ka tirsan yihiin oo kale golaha wasriida maamulka.

Isku soo wada duub odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta xil sugayaasha ah waxaa la gudboon in ay hada kasii shaqeeyaan qaabka ugu sahlan ee maamulkaasi xilka looga wareejin karo iyada oo aan halkaasi dhiig ku daadan isku duubnina ay muujiyaan, Sida hada muuqata ma filaayo in sanadka ay doorasho dhici doonto balse sanadka xiga waa qasab iney doorasho dhacdo walow lafta gareen uusan aaminsaneyn arintaas ayada ah.

Qore: Eden mad ureen