Khaatumo oo ka hadashay dagaalkii shalay dhexmaray iyaga iyo Somaliland, ayaa sheegtay in 6 qof oo rayid ahi ay ku dhinteen 19 kalena ku dhaawacmeen duqaymo ay Somaliland la beegsatay Laascaanood.
Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee SSC-Khaatumo, ayaa lagu sheegay in duqaymuhu ay sidoo kale waxyeeleeyeen guryo iyo ganacsiyo, waxayna sheegeen in ay isdifaaci doonaan.
Dhinaca kale Afhayeenka SSC-Khaatumo Cabdirisaaq Fallaalug, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadka dhintay ay iskugu jireen oday waayeel ah, caruur, haween iyo dhallinyaro meherado ganacsi joogtay.
Waxa uu sheegay in weerarka ay Somaliland kusoo qaaday, isla markaana ay iska difaaceen, oo ay ciidanka Somaliland dib ugu dabaaleen fadhiisimadoodii, ayna is difaaci doonaan.
Dagaal ka shalay ayaa socday in muddo ah, iyadoo la sheegay in dhinacyadu ay is waydaarsadeen madaafiic cul culus, Somaliland ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in ay soo weerareen ciidamada Puntland, maleeshiyaad deegaanka ah, iyo kooxo xagjir ah.