Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 17-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Galmudug, taas oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka iyo rajada laga qabo dib u soo kabashada dalkaan, si gaar ah dagaalka Al-Shabaab, dib u heshiisiinta iyo dhismaha dalka iyo dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda Galmudug ku amaanay sida ay muddo kooban ugu guuleysteen dib u dhiska maamulka, deegaanada iyo dib u heshiisiinta oo reer Galmudug ay ka gaareen heer wanaagsan.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Galmudug uu ku xiji doono Koonfur Galbeed, kadibna uu uga sii gudbi doono Jubbaland, intaasna uu daba soca doono Khawaarijta Al-Shabaab.