Madaxweynaha maamulka galmudug oo xaalad deg deg ah geliyey deegaanada maamulka galmudug

0
225

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxa uu Xalay shaaciyay in Galmudug lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

Madaxweyne Qoorqoor oo Xalay ka hadlay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 17-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhamaan la hakiyay howlahii caadiga ahaa ee maamulka Galmudug, isagoona xusay in wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee maamulka loo fasaxay iney ka qeyb qaataan dagaalka Al-shabaab looga saarayo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool deeganada ay wali haystaan kooxda Al-shabaab iney cabsida iska yareeyaan, islamarkaana ay dhaw dahay waqtigii laga xureyn lahaa kooxda Al-shabaab.

Hadalka madaxweyne Qoorqoor ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada Dhuusamareeb todobaadkii labaad uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu halkaas u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee lagu soo afjarayo wajigiisa koowaad.