Madaxweynaha oo sheegey in dadka loo heysto musuqmaasuqa uusan ku ekaan doonin shaqalaha hoose

0
183

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladdiisa uusan ku ekayn shaqaalaha hoose ee hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in la arki doono dhawaan, shaqsiyaad waawayn oo maxkamadda hortaagan, taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay ballanqaadka dowladdiiisa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uusan wax ixtiraam ah lahayn qofka xadaya ummadda xoolahooda. Wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo hantida dowladda oo ay xadeen daaro waawayn uga dhistay waddamada Turkiga iyo Kenya.

Wuxuu madaxweynuhu ka digay in hab qabiil lagu difaaco dadka lagusoo eedeeyay musuqa ee haatan maxkamadayntoodu socoto. Wuxuu sheegay dadkaasi in loo haysto tuhun musuq maasuq.