Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo guddoomiyay shirka golaha wasiirada ayaa amar dul-dhigay golaha xukuumadda iyo hay’adaha kale dowladda, isaga oo faray inay ka qayb qaataan dagaalka Al-Shabaab.
Xamza ayaa xusay inay muhiim tahay in loo istaago xoreynta dalka, isla-markaana laga wada qayb-qaato halganka uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa sidoo kale boggaadiyey go’aanka madaxweynaha uu ku gaaray in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka ay ku jiraan.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la filayaa in dhawaan la guda galo wajiga labaad ee howlgallada lagu xoreynayo dalka.