Wasaarada gaashaandhiga oo ka hadashey dagaalyahano ka tirsan alshabab oo lagu laayey deegaano hoostaga gobolka galgaduud

0
323

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda Fedaraalka ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Sarreeye Guuto Caanood ayaa sheegay in howlgalada ka dhacay nawaaxiga degmada Galhareeri lagu dilay 30 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidanka ay ku gubeen dagaalka gaari qaraxyo ka buuxeen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sidoo kale xusay in howlgalka ciidamada uu yahay mid ka socda afarta jiho ee Bariga gobolka Galgaduud, islamar ahaantana saacadaha soo socda Al-shabaab laga saari doono meelaha ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Gabagabadii Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Sarreeye Guuto Caanood ayaa markale ugu baaqay shacabka ku nool magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iney isaga fogaadaan xarumaha kooxda Al-shabaab.