Siyaasiyiinta beelaha jareerweyne oo shir ka yeeshay xariga generaal sheegoow

0
346

Siyaasiyiinta Beelaha Jareer Wayne oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada-hadlay dhacdadii 19-kii bishaan ka dhacday degmada Dharkenley ee lagu soo qabtay Jeneraal Sheegoow.

Shirkan oo laba maalmood socday ayaa waxaa kasoo qeyb-galeay xubnaha golaha wasiirada iyo xubnaha labada gole ee baarlamanka federaalka, waxaana si gaar ah loogu falan-qeeyay shaqaaqadihii dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca geystay.

Geba-gebada shirka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ka kooban shan qodob, kaasi oo lagu sheegay inay si weyn uga xun yihiin arrintaasi, iyaga oo tacsi u direyna qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waayey.

Waxayna soo jeediyeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadaan, iyada oo la raacayo dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka u degsan.

Hoos ka aqriso qodobada ka soo baxay shirkan oo uu saxaafadda la wadaagey XIldhibaan Maxamed Cumar Caymoy;

1- Waxan si weyn uga xunnahay shaqaaqadihii dhacay, inagoo tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waayey, Ilaahayna uga baryeyna kuwa dhaawacmey inuu caafimaad buuxa siiyo.

2- Waxan soo jeedineynaa in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdadan iyadoo la raacayo dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka u degsan.

3- Waxan dowladda federaalka ee Soomaaliya laamaheeda amniga iyo garsoorka ugu baaqeynaa inay dhamaan saraakiisha iyo muwaadiniinta kale ee gacanta dowladda ku jira si wanaagsan loo daryeelo, caddaaladna ay helaan iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, cid walba oo wax dembi ah lagu waayana degdeg xoriyaddooda loo siiyo.

4- Waxaan laamaha amniga ugu baaqeynaa inay tix-geliyaan xuquuqda xorriyatul qowlka iyo in shacabka loo oggolaado inay si nabad ah u dhigi karaan banaanbaxyo ama dibadbaxyo nabadeed.

5- Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay fikirkooda iyo dareenkooda ku muujiyaan si nabad ah, ayna tixgeliyaan nabadda, xasiloonida iyo dhowrista shuruucda dalka iyo in laga dhowrsanaado burburinta hantida dowladda iyo tan gaarka ah.