Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Weerarkan ayaa ku billowday qaraxyo, kadib markii gaari laga soo buuxiyay lagu dhuftay saldhigga degmadaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanke ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Dagaalka dhex-maray labada dhinac ayaa si weyn looga dareemay caasimada, waxaana la maqlayay daryanka hub culus, taas oo cabsi weyn ku beertay dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkam ku dhintay ugu yaraan illaa 2 askari, halka ay tiro kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada ammaanka.
Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, inkastoo raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda.