War murtiyeed ayaa caawa kasoo baxay shirka wadatashiga qaran ee Dowladda federalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasoo uga socday magaalada Dhuusomareeb.
Golaha wadatashigu waxay isku raaceen howlgallada socda in la waafajiyo istaraatiijada qaran ee la dagaalanka Alshabaab, lana dardar galiyo dib u heshiisiinta qaran ee degaanada la xoreeyay.