Saraakiisha sare ee Midowga Afrika, Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabay kulamo wadatashi ah oo looga tashanayo wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS, bisha September, sida uu sheegay howlgalka Midowga Afrika.
Hawlgalka ku meel gaadhka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa la filayaa in bisha soo socota ay dhimaan tirada ciidammadooda 3,000 oo dheeraad ah ka dib markii ay ku guulaysteen in ay kala baxaan 2,000 oo askari, oo ay sidoo kale Dowladda ku wareejiyeen lix saldhig oo milatari bishii June.
Mohammed El-Amine Souef, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa Atmis, ayaa sheegay in guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ay xubno ka yihiin Atmis, dowladda, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ay ku shirayaan naqshadaynta saldhigyada ciidan ee laga soo saari doono 3,000 oo askari.
Intii uu socday kulanka ka dhacay Muqdisho, Souef waxa uu ku ammaanay QM iyo dowladda taageerada joogtada ah iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Atmis si loo xaqiijiyo guusha wejiga koowaad.
Madaxa UNSOS Aisa Kirabo Kacyira ayaa u sheegtay guddiga farsamada in ay tixgaliyaan cashiradii laga bartay wajigii 1aad, si loo xaqiijiyo guusha wejiga labaad.