Madaxweynaha maamulka jubaland oo ka hadley dagaalka dowlada kula jirto alshabab

0
126

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad ka jeediyay xeritaankii shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa si adag uga hadlay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn khudbadiisa ku bogaadiyay kaalinta madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan hoggaaminta dagaalka ka dhanka Ururka Al-shabaab oo uu u joogo magaalada Dhuusamareeb mudo ku dhaw hal bil.

Axmed Madoobe ayaa sido kale tilmaamay in dagaalka ka socda deegaanada Galmudug inuu yahay mid gaabis ku bilaawday, islamarkaana xusay in howlgalka sida uu u socdo iyo sida looga hadlaayo aysan aheyn wax isku dhigma.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dul qaadaan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay ka baxan gumeysiga ay ku hayso kooxda.