Madaxweynaha oo heshiis la galey Cali Jeyte

0
95

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo hoose oo dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu wehlinayo Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Wadahadalladan oo ku socda qaab hoose ayaa qaatay dhowr maalmood, waxaana looga hadlay gadoodka Cali Jayte ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay, kaas oo xiisad ka dhaliyay Hiiraam, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia.

Sida aynu warka ku helney, madaxweynaha ayaa heshiis la gaaray Cali Jayte iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, si meesha looga saaro xiisadda ka taagan Beledweyne, waxayna wada-hadalladu kusoo dhammaadeen is afgarad, ayada oo xa lagu gaaray.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah ku sugan Dhuusanareeb uu haatan qorsheynayo inuu usoo guuro degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kasii hagi doono dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Al-Shabaab.