Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu tegayo markiisii labaad.
Ra’iisul wasaaraha iyaa waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.
Ammaanka degmada Aadan Yabaal oo horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo aad loo sugayo amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha.
Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howlagllada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegayo in la xoojiyo abaabulka ka socda HirShabelle.
Wuxuu sidoo kale ra’iisul wasaaraha kormeeri doono guud ahaan degmada oo ay ka jiraan xaalado nololeed, maadaama ay kasoo kabaneyso dhibaatadii ay ku hayeen Al-Shabaab.