Madaxweynaha oo kulan su’aalo ah kaga hadley dagaalkii cawsweyne

0
210

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay qiray in ciidamada xoogga dalka ay kasoo baxeen furimaha dagaalka, kaddib dagaalkii ka dhacay ka dhacay degaanka Cawsweyne.

Madaxweyna oo xalay ka qeyb galayay kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay aaladda Twitterka, ayaa wuxuu sheegay in weerarkaas uu Dowladda kasoo gaaray saameyn xooggan.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in ciidamadu ay soo baneeyeen furimaha dagaalka qaladaad farsamo oo dhacay. wuxuuse sheegay in Dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu wacyi galinayay ciidamada, si dib loogu celiyo furimaha dagaalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada abaal marin la siinayo, si niyadooda loo hagaajiyo oo aysan mar dambe furimaha dagaalka ugasoo bixin.

Wuxuu sheegay muddo bil iyo bar ah oo uu ku sugan meelaha laga hagayo dagaalka Shabaab, in uu haatan tagayo meelo kale oo kusii dhow furimaha dagaalka, si uu ciidamada u dhiirri galiyo.

Ugu dambayn wuxuu sheegay madaxweynuhu inay jiraan dad yar oo kooban oo ka shaqeynaya fashilinta dagaalka Dowladda kula jirto Shabaab. Wuxuu sheegay dadkaas inay ula mid yihiin Shabaab.