Reysulwasaaraha oo maanta booqdey xarunta wasaarada gaashaandhiga

0
184

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si uu ugu kuurgalo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaraddaaasi.

Xamza ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay xubno kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo lu kulmay hoggaanka wasaaradda iyo saraakiila ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay gacana ku xoreyneyso dalka, gacana ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.

Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.