Cali jeyte oo ka hadley arimaha la xiriira socdaalka madxweynaha

0
227

Hogaamiyaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimo badan oo la xariira safarka madaxweynaha dowladda Fedaraalka, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo go’aankiisa siyaasadeed.

Jeyte ayaa sheegay in Maxaas uu maanta tagi doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana degmada ay ka socoto abaabulka dagaalka kooxda Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga harsan yihiin bariga gobolka Galgaduud.

Cali Jeyte sidoo kale xusay in madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha uu Maxaas u imaanayo iney ka mid tahay xal u helida tabashada maamul ee dadka reer Hiiraan ay qabaan oo mudo dheer soo jiitameysay.

Wuxuu sidoo kale si adag u sheegay Cali Jeyte Cismaan inuu fulin doono talaabo kasta oo ay raali ku yihiin taageerayaashiisa oo aysan dhici doonin inuu meel cidlo ah kaga dhaqaaqo.

Cali Jeyte sidoo kale sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in waqti aanan fogeyn laga guuleysan doono kooxda Al-shabaab, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ciidamada ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.