Gudoomiihi hore ee baarlamanka oo ka hadlay xaalada ay ku jirto magalada baydhaba

0
227

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dadag ee ka jirta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ugu horreyn Mursal ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hadda xoogiisa ka socdo deegaanada Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle.

Maxamed Mursal ayaa intaas kadib si adag uga hadlay go’doonka ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba, isaga oo tilmaamay in aan la gelin karin, lagana soo bixi karin magaaladaas oo caasimad kumeel gaar u ah dowla dgoboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu farriin u diray hoggaanka Koonfur Galbeed, isaga oo ka dalbaday inuu u istaago wax ka qabashada dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata syaasiyiinta iyo dadka deegaanka ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ku biiraan dagaalka Al-Shabaab.