Wararka inaga soo gaaraya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay socoto qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta lagu wado in uu gaaro.
waxaa Shalay tagay Maxaas xubno ay kamid ahaayeen Wasiirka Batrooka ee Dawladda Federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in tan iyo shalayba ay socotay u diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha ee degmada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo uu kala socday hawgalka ciidanka ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay maamulaan ee Galmudug.