Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdiqaadir Maxamed Nuur, inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ku dhintay weeraradii ka kala dhacay magaalooyinka Galcad iyo Cowswayne.
Maxamed Cabdi Waare, oo haatan ah ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha, wuxuu sheegay, wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, lagu laayay ciidamo iyo saraakiil.
Waare wuxuu sidoo kale sheegay in wasiirka gaashaandhigga uu ka dhego adaygay talooyin ay bixiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, kuwaaas oo ku taliyay in aan ciidamada la dejin meelaha lagasoo weerari karo, islamarkaana aysan ka heli karin gurmad ciidan.
Wuxuu sheegay amarkii ugu dambeeyay ee ciidamada lagu dajiyay Cowswayne inuu lahaa wasiirka, xilli uu sheegay in taliyayaasha xoogga ku baaqayeen in ciidamadu ku socdaan saf ballaaran, si ay isku garab sadaan.
Waare wuxuu sidoo kale sheegay in xog qaldan uu bixiyay dhawaan ay naftooda Halis ku gashay Taliye Mahad salaad iyo Xasan Cali nuur Shuute.