Madaxweynihii hore ee somaliya oo kulan la qaatey wakiillka norwey u qaabilsan dalka somaliya

0
190

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah, isaga oo wada-hadal gaar ah la yeeshay wakiilka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo, Marwo Heidi Johansen.

Kulanka oo ka dhacay xafiiiska Sheekh Shariif ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka wada arrinsadeen dhammeystirka gogoasha dib u heshiisiinta ee taalla gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo uu hormuud u yahay Shariif.

Inta uu socday kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday colaadda Laascaanood oo ay ka wada-hadleen labada dhinac, si xal loogu helo.