Alshabab oo weerar kusoo qaadey xero ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada oo ku taala deegaanka Nuur Dugle

0
255

Wararka aynu ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo ragga weerarka qaaday, kaas oo illaa iyo hadda ka socda deegaanka.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa beegsatay saldhigyo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin halkaasi.

Sidoo kale inta uu weerarka socday ayaa waxaa la maqlayay qaraxyo xoogan oo ay adeegsanayeen Al-Shabaabka weerarka qaaday, sida aanu ka soo xiganay dadka deegaanka.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sameeyeen iska caabin, isla-markaana uu weli socda howlgalka.