Kulanka khamiislaha ah ee golaha wasiirada oo maanta lagu ansixiyey heshiisyo lala soo galey turkiga iyo itoobiya

0
222

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya maadaama uu ra’iisul wasaare Xamza booqasho ugu maqan yahay dalka Qatar.

Kulankan oo maanta go’aanno lagu gaaray ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan xubnaha Golaha Wasiirada, marka laga reebo xubnaha dibadda ku maqan iyo kuwa jira dagaalka.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee dalka, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale lagu ansixiyay heshiisyo lala soo galay dowladaha Itoobiya iyo Turkiga oo kamid ah kuwa haatan xiriirka la leh Soomaaliya.

Heshiisyada uu goluhu ansixiyay ee lala soo galay labadaasi dowladood ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.

Waxaa sido kale shirka Golaha Wasiirada lagu ansixiyay soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.