Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu booqasho ugu tegay.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, Xamze iyo Farmaajo “ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”
“Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.”
Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray 31-kii August ku baaqay in la taageero dagaalka ay ciidamada qaranka kula jiraan kooxda Al-Shabaab.