Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daah-furtay mashruuc cusub oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo adeegyada degdegga ah ee caafimaadka ee isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Miisaaniyad dhan $11.4 million, ayuu Bangiga adduunku ku maalgalinayaa mashruucaan oo kusoo beegmay iyadoo nidaamka caafimaad ee dalka uu la tacaalayo dhibaato badan.
Mashruucan oo loogu magac daray ‘Xoojinta Adeegyada Degdegga ah ee Caafimaadka ee Cisbitaallada Federaalka iyo Gobolka’ waxaa la soo marsiin doonaa hay’adda Qaramada caafimaadka adduunka (WHO).
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay, mashruucaan inuu yahay barnaamij dhammaystiran oo taageeraya ka soo kabashada masiibooyinka iyada oo kor loo qaadeyo u adkaysiga mustaqbalka.