Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo waramaya iney kaabiga ku hayaan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.
Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa ka dhaqaaqay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku baxay jihooyin dhowr ah oo gala deegaanka Wabxo oo ay haatan ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ku wajahan deegaanka Wabxo oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in qorshaha ciidanka uu yahay in saacadaha soo socda la wareegaan deegaanka Wabxo iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Ceelbuur.