Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada, kaas oo looga arrimo xasaasi ah, laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay dowladdu gashay.
Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa goobjoog ahaa kulankan, waxaana lagu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo warbixino lasoo bandhigay,
Golaha ayaa sidoo kale shirkooda maanta ku meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay dowladda Soomaaliya la soo gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.
Intaasi kadib waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sudoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halka socda, isaga oo haweenka iyo dhalinyarada ku boggdaaiyay sida ay uga soo muuqdaan abaabulka socda.
Ganacsatada ayuu sidoo kale ka dalbaday inay qaataan doorkooda, isla-markaana ay taageeraan gulufka uu hoggaaminayo madaxweynaha, si looga adkaado Al-Shabaab.