Duqeymo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka galgaduud

0
246

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn xoogan oo saaka aroortii hore diyaarado dagaal ay ka gaysteen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo.

Duqeynta ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday deegaanka Ceel-lahelay iyo agagaarkiisa oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray.

Mareykanka ayaa loo badinayaa inuu fuliyay howlgalkan, maadaama diyaaradihiisa ay dhanka hawada ka taageerayaan ciidamada huwanta ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah kasoo baxay Galmudug iyo dowladda dhexe oo ku aadan weerarkaas dhanka cirka ah ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.