Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka oo sheegey iney baydhabo lug ku geli doonaan hadii hawada laga xerto

0
202

Guddoomihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inuu Baydhabo lug ku gali doono haddii madaxweyne Lafta Gareen uu isku dayo inuu ka joojiyo safarka dhinaca hawada.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Xildhibaan Mursal ayaa kamid ah siyaasiyiinta doonaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Wuxuu hadda olole siyaasadeed ka wadaa magaalada Nairobi, isagoo kamid ahaa siyaasiyiin dhawaan war saxaafadeed kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in isaga iyo musharraxiinta kale ay safarka lug ah kaga bixidoonaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dhinaca gobolka Shabeellada hoose ay ka galidoonaaan magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Mursal wuxuu sheegay haddii madaxweyne Lafta gareen uu diido in la yimaado Baydhabo ay meelo kale oo katirsan Koonfur Galbeed ku dhisidoonaan maamul ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.