Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Aadan (Madoobe) oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay xaaladda madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo isaga iyo mas’uuliyiin kale shalay qarax lagula beegsaday deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Galgaduud, kadib weerar ay kusoo qaadeen maleeshiyda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in xaaladda madaxweynahaee wanaagsan tahay, isla-markaana uu fashilmay isku daygii dilka ee ay la damacsanaayeen xoogaga Al-Shabaab
Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in madaxweynaha iyo raggii kale ee dhaawacmay loo soo qaaday Muqdisho, isla-markaana ay waxyeelo aan badneyn ay kasoo gaartay dhismaha guriga kusoo dumay oo qaraxu halakeeyay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan aysan saameyn ku yeelan doonin howlgallada socda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, haddana uusan jirin dhib weyn.
Waxaa kale oo uu yiri “Meesha aan joognay furin-bey ahayd oo ah ciidanka difaaciisa hore ah furinta marka loogana looma tegin in la’iska dalxiisee waxaa loo tegay xabad iyo dagaal inuu dhaco”.