Dowladda Itoobiya ayaa beenisay guulo kooxda Al-shabaab ay ka sheegatay dagaal Shalay galinkii hore ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa Al-shabaab deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaalka ayaa ahaa mid dhabagal ah oo kooxdu ku sameysay laba kolanyo oo ka tirsan Militariga Itoobiya oo ku kala wajahna magaalooyinka Waajid iyo Xudur, islamarkaana kasoo ambabaxay deegaanada Yeed iyo Ceel Barde ee isla gobolka Bakool.
Dagaaladaas dhabagalka ayay kooxda Shabaab sheegatay in ciidanka Itoobiya ay kaga dishay 167 askari oo itoobiyaan ah, islamarkaana ay ku gubeen gaadiid dagaal oo ciidankaasi uu watay.
Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Mukhtar Maxamed Waare ayaa Warbaahinta u sheegay inuu baraha bulshada uu ku arkay sheegashada Al-Shabaab, isagoona ku tilmaamay sheegashadooda mid dacayaad ah oo aan waxba ka jirin.
Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegayay in ciidamada Itoobiya ee Shalay weerarka ku qabsaday Bakool inay yihiin kuwa aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS oo si sharci daro ah kuso galay gudaha Soomaaliya.