Golaha nabada iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho badan iyo dhaawac.
War saxaafadeed kasoo baxay golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika ayaa hoosta looga xariiqday in al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.
Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa’ideysan karto daldaloolo kasta inta lagu jiro ama ka dib dhimista 3000 oo askari oo katirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, haddii aan si miisaaman loo maamulin howsha dhimista.
Midowga Afrika waxa uu ku celiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo guulaha nabadda iyo amniga ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay dalka ka saaraan 3000 askari, si loo fuliyo qaraarka golaha ammaanka ee sheegaya dhimista howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS.