Taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Xasan Jaamici ayaa wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka ka difaacay eedeymo culus oo shacabka, ciidanka iyo masuuliyiinta qaar ay jeedinayaan muddooyinkaan.
Xasan Jaamici oo wareysigaan siiyey Shabelle TV ayaa sheegay in wax eed ah uusan laheyn wasiirka gaashaandhigga oo Shabaab sii eryanayey ilaa Ceel-lahelay oo Sabtigii lagu weeraray, halkaas oo si dirqi ah uu uga soo baxsaday.
Taliye Xasan Jaamici ayaa ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Al-Shabaab ka xoreynaya koonfurta gobolka Mudug, xilli dhawaan laga qaaday xilkii taliyaha qeybta 21-aad oo ka howlgasha gobollada dhexe.
Xasan Jaamici ayaa dadka ka codsaday inay wararka xun ka dhaafaan Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo furinta u joogay sidii looga xoroobi lahaa Khawaarijta, isagoo dalbaday in taas bedelkeeda lala shaqeeyo wasiirka iyo ciidamada qaranka.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Jimcihii la socday ciidankii dagaalka culus ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, wuxuuna galay halis weyn oo wuxuu ka mid ahaa askartii iska caabineysay weerarka kooxda.