Xubnaha mucaaradka maamulka goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xalay shir xasaasi ah oo ka dhan ah madaxweynaha hadda talada haya ee Cabdicasiis Laftagareen ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Shirkan oo ka dhacay hoyga Jawaari ayaa waxa uu daba socday shirkii dhowaan ka qabsoomay magaalada Nairobo, kaas oo laga soo saaray go’aanno culus.
Xubnaha ka qayb-galay shirka waxaa kamid ah, Shariif Xasan, Xuseen Sheekh Maxamuud, Maxamed Mursal, xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Koonfur Gabeed Soomaaliya.
War murtiyeed kasoo baxay shirka oo uu akhriyay mid kamid xubnaha mucaaradka ayaa waxaa lagu yiri “Kulankan waa kulan daba socda kulankii ka dhacay magaalada Nairobi waxaa isugu yimid odayaashii kusoo shiray dalka Kenya, xildhibaanada BFS iyo wasiirada DFS ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed”.
Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday dagaalka Al-Shabaab iyo diidmada xubnaha mucaaradka ee ku aadan muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen.
Waxaa sidoo kale xubnaha mucaaradku dalbadeen in la dhaqan-geliyo heshiiska lagu gaaray Baydhaba, si ay doorasho uga dhacdo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.